Jump to content

Yaziid bin mucaawiya

Ka Wikipedia

Yaziid bin Mucaawiya bin Abii Sufyaan (Afka carabiga; ( يزيد بن معاوية أبي سفيان ) waa khaliifka labaad ee Dawladii umawiyiinta ee wuxuu xilka haayay 60H\680 ilaa 64H\683, intii uu xilka haayay ayaa waxaa dhacay Xasuuqii karbalaa ee lagu laayay Xuseen iyo qaraabada Rasuulka scw, waxaa sidoo kale ciidankiisa baneesteen magaaldii Rasuulka scw Madiina Al-munwara boob xun ayeena ka geesteen, arimahaan oo dhan waxey ugu reebeen Yaziid magac xumi muslimiinta dhexdooda.

Template:Use Oxford spelling

  • Yaziid bin Mucaawiya
  • يزيد بن معاوية
Dirhamkii Carab-Sasanian ee Yaziid I, wuxuu ku garaacay reexaanta Basra, ee taariikhda Hijriyada 61 (680/1 CE ), sannadkii uu dhacay dagaalkii Karbala .
Dhanka kale waxay ku tusaysaa sawirka Sasanian shah Khosrow II ( r.  590-628 ) iyo magaciisa oo ku jira farta Pahlavi .
Khaliifka 2aad ee khulafada Umawiyiinta
XilkaAbriil 680[lower-alpha 1] – 11 November 683
Ka horeeyayMucaawiya
Ku xigayMucaawiya bin Yaziid
Dhashayc. 646 Template:Awrap
Suuriya
Dhintey11 Nofeember 683 (aged Template:C.) Template:Awrap
Xuwwarin, Suuriya
Xaaska
Issue
Magaca oo dhameestiran
  • Abuu Khaalid Yaziid bin Mucawiya bin Abii Sufyaan
  • أبو خالد يزيد بن معاوية بن أبي سفيان
HoygaReer Sufyaan
SaldanadUmawiyiinta
AaboMucaawiya
HooyoMaysuun binti Bahdal
DiintaIslam

Noloshiisa hore

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Wuxuu ku dhashay Yaziid baadiyaha Shaam 26H halkaas oo hooyadii Meysuun binti Bajdal ku laabatay kadib markii ay kala tageen aabihiis Mucaawiye, Yaziid wuxuu ku sugnaa baadiyaha labo sano, kadib aabihiis Mucaawiye oo xiligaas ahaa gudoomiyaha Shaam ayaa keenay Dimishiq, waxa uuna ku dadaalay waxbarida wiilkiis, aqoonyahano iyo culumo aqoon dheer u leh nasabka iyo dhacdooyinkii carabta ee hore, wuxuu jeclaa aabihiis inuu keeno wiilkiis Yaziid fadhiyada uu la yeelanyo wafdiyada carabta soo uga kororsado khibradiisa siyaadsadeed ugana faaido xikmado.

Go'doomintii koowaad ee Qusdandiiniya

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sanadkii 49H wuxuu Mucaawiya bilaabay diyaarinta ciidan weyn oo ku duula Qusdandiiniya caasimada Ruum, wxa uuna hogaamiye uga dhigay ciidanka wiilkiis Yaziid, ciidanka waxaa qeyb ka ahaa saxaabo badan sida Cabdullaahi bin Cabbaas, Cabdullaahi bin Cumar, iyo Abuu ayuub Al-Ansaari, ciidanka muslimiinta markii ay gaareen Qusdandiiniya waxey ka go'doomiyeen dhulka iyo bada [3], Cabdulaahi bin qeys ayaa weeraray doomaha Ruum wuuna burburiyay wuxuu qabsaday ciidankii saarnaa, Yaziid oo rabay inay daciifaan Ruum ayaa ku hor dilay ciidankii laga soo qabtay, balse sidaas kuma jabin Ruum oo waxey kaga fal celiyeen weerarka muslimiinta dabka gariiga oo saameyn xun ku yeelatay hor u socodka ciidanka muslimiinta, dagaalka dhexdiis waxaa xanuunsaday Abuu ayuub al-ansaari, sakaraadka ayaa u yimid wuxuu ka dalbay Yaziid in lagu aaso meesha ugu dhaw cadawga, Yaziid wuxuu fuliyay dardaarankiisa waxa uuna ku aasay afafka hore ee dhufeyska Qusdandiiniya, waxey keentay xaagaaga daran iyo gurmadka oo cuslaaday fogaanta dhulka iyo yaraanta nafaqada inay ciidanka muslimiinta joojiyaan go'doonka Qusdandiiniya.

u magacaabista jagada khilaafada

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Khaliif Mucaawiya bilaawgiisa hore ma ahayn inuu ku fakaraayay Yaziid inuu ka dhigo Khaliifka badalaayo balse markii ay dhinteen waaweynka saxaabada gaar ahaan Xasan bin Cali, wuxuu garwaaqsaday wiilkiis Yaziid khilaafada inuu u sharaxo asigoo u arkaayay inuu ka horeeyo ilmaha saxaabada kale madaama uu yahay Qof ku soo dhax jiray siyaasada si fiicana u fahansan.

wuxuu magaalooyinka ka qaaday beycada Yaziid, dadka reer Xijaas waxaa qaadacay beycada ibni Zubeyr, Xuseen, Cabdi raxmaan bin Abuu bakar , ibni Cumar iyo ibni Cabaas [4]. Mucaawiye waxa uu soo aaday cimro ka dib wuxuu la kulmay dadkii beycada ka soo horjeeday si gooni ayuu u la hadlay waxa uuna siiyay digniin, waxaa ugu darnaa Cabdi raxmaan bin Abuu bakar oo ku sifeeyay inay tahay jidka Kisra iyo Qeysar, ibni Cumar oo hadalkiisa jilcanaa ayaa dhahay "Hadey dadka wada raacaan aniga waa la baayctamaa".

Waxaa Dimishiq yimid wafdiyo ka kala socda gobolada kuwaas oo beycada yeziid u socday, wafdigii Basra waxaa horkacaayay Axnaf bin Qeys, Mucaawiya ayaa la kulansiiyay Yaziid kadib wuu ka wareestay wuxuu dhahay Axnaf "Hadaa been sheegno ilaahay baa ka baqeynaa, hadaa run sheegno adinkaa niiga baqeynaa, adigaana iga og habeenkiis iyo maalintiis, sirtiis iyo daahirkiis, galidiis iyo bixidiis, waana ogtahay waxaa la rabtid, anaga waa nii maqleynaa waana nii adeeceynaa idinkana umada u nasteexeeya".

Wuxuu dhintay Mucaawiya bisha Rajab sanadii 60H waxaana ku tukaday Daxaak bin Qeys, wiilkiisa Yaziid wuu ka maqnaa magaalada Dimishiq markuu dhimanaayay aabihiis, si dhaqsi ah ayuuna ku yimid waxaana lagu dhawaaqay inuu yahay khaliifka cusub dadka ayaana la mubaayacoodeyn, sidoo kale beycada waxaa looga qaaday gobolada Ciraaq, Xijaas, iyo Masar.

Wuxuu soo guuriyay taariikhyahanka ibni jariir dardaaran uu Mucaawiya uga tagay wiilkiis kaas oo ahaa "Wiilkeeyow waan kaa kaafiyay howlaha iyo ragga wax walbana waa kuu diyaarshay, waxaase ka baqaa inay kuugu la doodaan arinkaan afar qof; Xuseen bin Cali, Cabdiraxmaan bin Abii Bakar, Cabdulaahi bin Cumar iyo Cabdulaahi bin Zubeyr, horta ibni Cumar waa nin cibaado ay jilcisay haduuna cid kale soo harin wuu ku raacaa, Xuseen reer Ciraaq ka tagi maayaan ilaa ay ka soo bixiyaan, haduu kugu soo baxo oo ka adkaatid iska cafi wuxuu lee yahay qaraabonimo dhaw iyo xaq weyn, Cabdi Raxmaan waa nin dhaadhaajiya dadka hami kalana ma lahan aa ka ahayn naago iyo dheel, balse kan sidii libaaxii kuugu fadhiya oo dawacada camal kuu qiyaanaya waa ibni zubeyr hadaa qabato oo fursad ku hesho cad cad u jarjar"

Yaziid wuxuu u qoray gudoomiyaha Madiina Waliid bin Cutba waraaq uu ku ogeysiinayo dhimashada aabihiis iyo inuu xukunka la wareegay, wuxuu ku dhahay waraaqda "Qabo Xuseen, Cabdullaahi bin Cumar, iyo Cabdullaahi bin Zubeyr si aad uga qaado beycada. U dhaqan si aad u adag oo aanay fursad u helin inay wax ku qabtaan ka hor beycada"

Goor habeen ah ayee waraaqda u timid Waliid, waxa uuna la tashaday Marwaan oo u soo jeediyay in Ibn zubayr iyo Xuseen lagu qasbo beycada isla cawanimo maadaama ay khatar yihiin, halka Ibni Cumar laga daayo isaga oo aan wax khatar ah gelin. Xuseen waxa uu ka jawaabay u yeedhistii Waliid, isaga oo la kulmay Waliid iyo Marwaan kulan gaar ah oo ay wada yeesheen, waxaana loo sheegay geerida Mucaawiya iyo khilaafada wiilkiis Yaziid. Markii laga dalbay beycada Xuseen waxa uu ku jawaabay in daacadnimadiisa oo la sheego aanay ku filnayn, wuxuuna soo jeediyay in beycada looga qaado meel fagaare ah. Waliid wuu aqbalay, laakiin Marwaan waxa uu ku adkaystay in Xuseen la xidho ilaa uu ka caddeeyo daacadnimo. Xuseen ayaa canaantay Marwaan oo ka tagay. Isla markii uu Xuseen ka baxay, Marwaan waxa uu la dardaarmay Waliid, kaas oo isna qiil uga dhigay diidmadiisa inuu waxyeeleeyo Xuseen isagoo ka duulaya xidhiidhka dhow ee uu la leeyahay Nabi Muxamad. Dhanka Ibni Zubeyr isaga kama uusan jawaabin u yeedhistii oo wuxuu u dhoofay Makka habeennimo. Waliid wuxuu ka daba diray siddeetan nin oo fardooley ah, wuuse baxsaday. Xuseen isna waxa uu aaday Makka wax yar ka dib, isaga oo aan wax beyco ah siin Yaziid.

ibni Cumar markuu maqlay khilaafada Yaziid wuxuu dhahay "Haduu kheyr yahay waan ku raali noqonay Haduu balaayo yahay waan ku sabreynaa" Xuseen bin Cali iyo Cabdulaahi bin Zubeyr si cad u diiday khilaafada Yaziid waxeyna aadeen Makka ka dib cadaadis ay kala kulmeyn talyaha Madiina,

Xuseen intuu Makka joogay waxaa u timid waraaqo ka socotay reer Ciraaq oo ugu yeerayaan khilaafada, Xuseen wuxuu diray ina adeerkiis Muslim bin Caqiil si uu u soo qiimeeyo xaalada Ciraaq, Muslim wuxuu ku soo wargaliyay Xuseen taageerada baahsan uu ku leeyahay Ciraaq, intaas ka dib Xuseen wuxuu go'aansaday inuu aado Ciraaq, Saxaabo badan oo ka mid yihiin ibni Cumar iyo ibni Cabaas ayaa isku dayay Xuseen inay uga digaan Ciraaq laakin ma uusan dhageysan, Xuseen waxa uu ka tagay Makka asaga oo wehliyaan qaar badan oo ahalkiis iyo qaraabadiis.

Yaziid asaga wuxuu si dhaw ula socday dhaqdhaqaaqa reer Ciraaq iyo Xuseen, waxa uu baddelay gudoomiyaha Kuufa Nucmaan bin Bashiir asigoo baddalkiis keenay Cubeydilahi bin Ziyaad oo ahaa nin adadag, taarikhyahanka Baladri wuxuu sheegay inuu Yaziid u qoray ibni ziyaad "Waxaa I soo gaartay in reer Kuufa ay u qoreen Xuseen inuu u soo galo, haddana wuu ka soo baxay Makka isagoo ku soo jeedo, magaaladaada ayaa lugu saliday magaalooyinka intoodii kale, maalmahaaga ayaana maalmaha looga saliday ee hadaa dishid waa kaas, hadii kale nasabkaaga cubeyd baa ku noqoni iska ilaali inuu kaa fakado" [5]

Ibni ziyaad wuxuu geliyay reer Kuufa caburin handadaad ayuuna u jeediyay, markiiba waxaa ka kala yaacay Muslim bin Caqiil taageerayaashiisa waxaana lagu dhigay gacanta goob fagaaro ah ayaana lagu dilay asaga iyo Haani bin Curwa oo ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyay Ciraaq,

Xuseen markuu Kuufa ku soo dhawaaday ayuu ogaaday waxa ka soo cusboonaaday Ciraaq iyo in la dilay Muslim bin Caqiil, aad ayuu uga murugooday wuxuu jeclaystay inuu aado Yaziid oo la hishiiyo, waxa ka soo hor baxay Xur bin Zeyd iyo kun askari oo xaga ibni ziyaad ka socdaan, wuxuu yiri Xur bin Zayd "Aniga dagaalkaaga lee ma farin, kaliya waxaa leey faray inaa kaa tagin ilaa Kuufa kaa galiyo, hadaa diidid waxaad qaadaa wado Kuufa aa ku galineynin Madiina na kugu celineynin" [6] Xuseen wuxuu ku qasbanaaday inuu ka leexdo wadadii uu ku socday, ciidanka Xur ayaana ahaay kuwa dhinaciisa socda, markii uu ka gaaray Karbalaa waxaa ka hor yimd ciidan kale oo ibni ziyaad soo diray kuwaas oo gaaraya 4 kun, Cumar bin Sacad ayaana madax ka ahaa, Xuseen waxa uu u sheegay Cumar bin Sacad Kuufa inuu u yimid dalab xaga dadkeyda ah asigoona la wadaagay waraaqihii soo gaaray [7], waxa uuna dalbaday sedex midkood in loo yeelo: [8]

  • In laga tago oo dhufeysyada jihaadka aado
  • In laga tago oo Yaziid xagiisa aado
  • In laga tago oo meshuu ka yimid ku laabto

Cumar bin Sacad wuu ogolaaday dalabka Xuseen balse ibni Ziyaad kuma qancin waxa uuna ku adkeestay inuu xukunkiisa ku soo dago, arintaasi oo Xuseen ka biyo diiday.

Subaxnimo Jimco ah 10 ka Muxarram 61H ayee dagaal isku diyaaryeen Xuseen iyo asxaabtiis oo ahaay 32 fardooleey ah iyo 40 lugleey ah [9], waxaa ka soo raacay ciidanka kuufa 30 qofood oo ku juro Xur bin Yaziid kuwaas oo dhahayn «wiilka ay Nabiga scw gabadhiisa dhashay aa sedex walax nii soo bandhigay midna maka aqbali weyseen».

Cumar iyo ciidankiisa waxay u diideen Xuseen biyaha, waxayna ku rusheeyeen gamuuno, ragii la socday Xuseen ayaa ahaay mid mid inay u soo baxayaan oo la dilaayo, ilaa dhamaantood laga wada dilay uu soo haray Xuseen kaligiisa, cidna way ku dhiiran weysay dilkiisa, Shamir bin Dii Jowshin oo ka mid ahaa talyaasha ciidanka Cumar ayaa ku qeyliyay ciidanka oo faray inay dilaan, waxey la dhaceen gamuuno markii dambe nin la yiraahdo Sinaan bin Anas ayaa madaxa ka gooyay [10].

Khowli bin Yaziid ayaa qaaday madaxa oo ibni ziyaad u geeyay, Wuxuu ahaay ibni ziyaad sida Bukhaariga ku xusan madaxa oo weel ku jiro inuu qoryeenayo [11], intaas ka dib waa leysku khilaafay ibni ziyaad madaxa ma Shaam buu u diray mise.

Xuseen waxaa lala dilay 72 qof oo ahaayeen ragii la socday, waxaana ka mid ahaa Ahlubeydkiisa wiilashiisa Caliga weyn, Cabdullaahi radiic, walaalihiisa: Cabaas, Cabdulaahi, Jacfar iyo Cusmaan, ilmaha walaalkiis Xasan: Qaasim Abuu Bakar iyo Cabdulaahi, Reer Caqiil: Jacfar bin Caqiil, Cabdiraxmaan bin Caqiil iyo Cabdulaahi iyo Muxamad oo ilmo Muslim bin Caqiil ah, ilmo Cabdulaahi bin jacfar: Coon iyo Muxamad [12]. Cali Zeyn Al-Caabidiin wuu ka badbaaday dilka sababtoo ah wuu xanuunsanaa.

Dumarkii la socday Xuseen iyo caruurtii waxaa la geeyay Kuufa, ibni ziyaad ayaana u diray Shaam Yaziid agtiisa, sida uu xusay ibni Kasiir Yaziid wuxuu u la dhaqmay si wanaagsan, reerkiisa ayaana la qeybsaday murugada sedex bari oo marti ku ahaayeen [13], laakin waxaa jira dhanka kale riwaayado sheegaya Yaziid inuu sidii dad la qafaashay oo kale u la dhaqmay silsiladana ku xiray [14], si kastaba ha ahaatee Yaziid markii dambe waxa uu u diray Madiina, Nucmaan bin Bashiir ayuuna faray inuu la jiro   

Kacdoona reer Madiina

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Wuxuu ahaay talyihii magaalada Madiina inuu wafdi dadka deegaanka ah u diray Dimishiq sanadii 62H, wafdigaan ayaa markii ay ku soo laabteen Madiina waxey dhaleeceeyeen Yaziid ayagoona xusay inuusan tukan iyo khamriga inuu cabo waxeyna ugu baaqeen dadkooda inay ka baxaan daacadiisa[15], ka dib waxey dadkii go'doomiyeen Umawiyiintii ku sugnaay Madiina waxaana madax u ahaay reer Madiina rag ay ka mid yihiin Cabdulaahi bin Xandala, ibni Mudiic iyo Macqil bin Sanaan

Yaziid wuxuu ka soo diray Shaam ciidan faro badan uu hogaaminayay Muslim bin Cuqba, waxaana dhex maray ayaga iyo reer Madiina dagaalkii Al-Xarra ee looga adkaaday dadkii deegaanka, Muslim iyo ciidankiisa waxey baneysataan Madiina sedex bari oo ka wadeyn boob iyo dil, kadibna intii hartay waxa ay ka qaadeyn beyco cusb iyo inuu Yaziid soo doono ka yeesho[16],

Muslim waxa uu ciidankiisa la sii aaday Makka oo ibni zubeyr ku sugnaay balse jidka ayuu ku sii dhintay seddex beri kadib, waxaana ciidanka sii hogaamiyay Xusayn bin Numeyr [17].

Mucaaradnimada Cabdul bin Zubeyr

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Ibni Zubeyr wuxuu horey uga soo horjeestay waagii Mucaawiya beycada Yaziid, markii ayse khilaafada soo gaartay Yaziid wuxuu ibni Zubeyr aaday Makka oo gabaad ka dhigtay heer loogu yeeray "Kii magan galay beydka" wuxuuna ka bilaabay dhaqdhaqaaqyo iyo kacdoon ilaa uu ka saaray magaalada shaqaalihii Umawiyiinta misna wuxuu jabiyay ciidamo uu soo diray gudoomiyaha Madiina, Yaziid wuxuu ku dhaartay in loo keeno ibni Zubeyr isagoo silsiladeysan wuxuuna faray ciidankii Muslim inay u jaheystaan Makka markey ka soo dhamaadaan Madiina.

Ciidanka Umawiyiinta waxey soo gaareen Makka bilaawga sanadkii 64H, waxeyna go'doomiyeen 64 maalin, khawaarijta Yamaama uu Najda Al-Xanafi hor kacaayay ayaa qeyb kala ahaa Ibni zubeyr difaacida Makka, manjaniiqyo ayaa ku dhacay Makka, waxaa gubatay Kacbada, waxaa soo gaaray ciidaanka Ibni zubeyr qasaaro xoogan qaar badan oo dadkii ka ag dhawaa Ibni zubeyr ayaa dhintay, sida labadiisa walaal Mundir iyo Abuu Bakar [18] sidoo kale Miswar bin Makhrama [19], aydoo xaalada sidaas ugu xun tahay ayaa waxaa soo gaaray horaanta Maalmadoone geerida Yaziid, talyaha Umawiyiinta Xusayn bin Numeyr ayaana ka dalbay Ibni Zubeyr inay kulmaan, wuxuu kala hadlay khilaafada iyo ciidankiisa inuu safkiisa ku daro kadibna ay aadaan Shaam, laakin Ibni zubeyr wuu diiday wuxuuna u arkay ciidankaan inay dhiig galeen, wuxuu u u sheegay inuusan aadeyn Shaam balse wuxuu ka dalabay Xusayn inuu asiga Shaam uga qaado dadka beycada, Xusayn ayaa ku baraarujiyay inay jiri karaan Umawiyiin badan oo khilaafada dalbato kuwaas oo waaneyn dad taageera [20].

Wuxuu ku dhintay Yaziid tuulada Xowraan 15 ka Mowliid sanadkii 64H oo ku beegan 11 ka Nofeember 683.

Aragtiyada muslimiinta ee ku aadan shaqsiyada Yaziid

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Shaqsiyada Yaziid waxey ahayd mid muran badan ka jiro muslimiinta dhaxdood, qolo aad ugu fogaatay oo ku tilmaantay xitaa gaal Alla rumeysaneyn inuu ahaa, qolo kalana waxey ku sheegeen faasiq inuu ahaa oo khamriga caba salaadna aa tukan, si guud magac fiican kuma lahan muslimiinta dhexdood, wuxuu yiri imaamu Dahabi "Wuxuu ahaa Yaziid Naasibi kakan oo ma naxa eh maandooriyaha isticmaala munkarkana sameeya, wuxuu ku bilaawday dawladiisa dilka Xuseen wuxuuna ku dhameysaty Dhacadadii Xarra, dadka ayaa naceen Allana uma barakeeyn cimrigiisa".

Arinta ku saabsan lacnadiisa waxey ahayd mawduuc ay in badan ka doodeyn culumada suniga, culumo badan sida Al-Gazaali, ibni Xajar heytami iyo ibni Salaax waxey ku tageen inaa la ogoleyn in la naclado maadaama uu yahay qof Muslim ah, muslimna lama ogola in la naclado, waxey ku doodeen inaa la xaqiijin karin Xuseen in lagu dilay amarka Yaziid sidoo kale hadii ayba dhacday xitaa waa qof Muslim ah dambi galay laga yaabee tawbad inuu ku dhintay [21][22][23], dhanka kale culumo ay ka mid yihiin Abuu Xaniifa, Sacdu-ddiin Taftaazi iyo ibni jawzi ayaa baneeyay lacnadiisa[24], xitaa shiiqaan dambe wuxuu ka qoray kitaab gaar ah xumaanta Yaziid wuxuuna ku cadeeyay inay waajib tahay lacnadiisa [25]. Shiicada agtooda wax khilaaf kagama jira Yaziid inuu ahaa faasiq khamri cab ah masuulna ka ahaa dilka Xuseen iyo gubashada kacbada iyo gumaadka reer Madiina [26].

  1. Morony 1987, p. 210.
  2. Wellhausen 1927, p. 139.
  3. تاريخ دمشق، الجزء 65، صفحة 404.
  4. https://m.youm7.com/story/2021/7/18/%D9%85%D8%B9%D8%A7%D9%88%D9%8A%D8%A9-%D8%A8%D9%86-%D8%A3%D8%A8%D9%89-%D8%B3%D9%81%D9%8A%D8%A7%D9%86-%D9%8A%D8%A3%D8%AE%D8%B0-%D8%A7%D9%84%D8%A8%D9%8A%D8%B9%D8%A9-%D9%84%D9%80-%D9%8A%D8%B2%D9%8A%D8%AF-%D9%85%D8%A7-%D9%8A%D9%82%D9%88%D9%84%D9%87/5394610[dead link]
  5. انساب الاشراف، احمد بلاذري، مجمع احياء الثقافة الاسلامية، ج 3، ص 160.
  6. https://so.m.wikipedia.org/wiki/Xuseen_Bin_Cali_Bin_Abii_Daalib#cite_note-%D8%A7%D9%84%D8%A5%D8%B1%D8%B4%D8%A7%D8%AF2-26
  7. https://so.m.wikipedia.org/wiki/Xuseen_Bin_Cali_Bin_Abii_Daalib#cite_note-%D8%A7%D9%84%D8%B4%D9%8A%D8%A8%D8%A7%D9%86%D9%8A-%D9%83%D8%B1%D8%A8%D9%84%D8%A7%D8%A1-27
  8. تهذيب الكمال في أسماء الرجال، المزي، جـ 6، صـ 438، تحقيق: بشار عواد معروف، مؤسسة الرسالة، بيروت، 1992م Archived 2019-12-18 at the Wayback Machine
  9. اللهوف، تأليف سيد ابن طاووس. التراث عدد. 140
  10. موسوعة عاشوراء Archived Sebteembar 23, 2015 // Wayback MachineArchived 2015-09-23 at the Wayback Machine
  11. صحيح البخاري، كتاب فضائل الصحابة، باب مناقب الحسن والحسين رضي الله عنهما، رقم الحديث: 3538، مكتبة إسلام ويب Archived 2019-01-04 at the Wayback Machine
  12. Template:Db-author Kala xiriir halkaan
  13. ابن كثير الدمشقي، البداية والنهاية، ثم دخلت سنة أربع وستين، ترجمة يزيد بن معاوية ، جـ 11، (2003م) دار عالم الكتب، الصقحة 638: 660 Archived 2019-02-18 at the Wayback Machine
  14. أحمد حسين يعقوب، المواجهة مع رسول الله وآله، (1996). بيروت-لبنان: مركز الغدير، الصفحة 170.
  15. ويكي مصدر : البداية والنهاية Archived 2014-12-20 at the Wayback Machine
  16. ماهي وقعة الحرة؟ ومن هو أول من غزا القسطنطينية؟، موقع الإسلام سؤال وجواب، اطلع عليه في 31 أغسطس 2019. Archived 2019-08-31 at the Wayback Machine
  17. سير أعلام النبلاء، ج3، ص374
  18. جمهرة نسب قريش وأخبارها - ولد عروة بن الزبير Archived Oktoobar 21, 2017 // Wayback Machine Archived 2017-06-10 at the Wayback Machine Template:وصلة مكسورة
  19. البداية والنهاية لابن كثير - سنة 64 هـ - حصار ابن الزبير في مكة Archived 2016-03-05 at the Wayback Machine
  20. تاريخ الطبري - سنة 65 هـ - خلافة معاوية بن يزيد Archived 2016-03-05 at the Wayback Machine
  21. Template:استشهاد ويب
  22. Template:استشهاد ويب
  23. Template:استشهاد ويب
  24. Template:استشهاد ويب
  25. Template:استشهاد ويب
  26. Template:استشهاد ويب


Cite error: <ref> tags exist for a group named "lower-alpha", but no corresponding <references group="lower-alpha"/> tag was found